Daawo:Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshin ka gudbiyay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

jawaari

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay mooshin kalsooni kala noqosho ka gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana mooshinkaasi qabtay Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah Mudanayaasha mooshinkaa saxiixay ayaa waxaa sheegeen in Jawaari ay ku eedeenayaan Xil gudasho la’aan iyo in uu ku xadgudbay Dastuurka.

Xildhibaanadan ayaana la sheegay in tiradooda ay ka badan tahay 100-Xildhibaan,mooshinkan ayaana soo baxay 3-cisho kadib markii sabtidii uu furmay Kal-fadhigii 3-aad ee Golaha shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.