Daawo:Madaxwaynaha Soomaliya ayaa Ka Farxiyey Dhaawaca Ciidanka Xoolka dalka Soomaliya

farmajao

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.

Dhaawaca Ciidanka Xooga dalka ayaa aad ugu farxay Booqashada Madaxwaynaha Soomaliya kusoo Booqday Isbitaalka ciidanka Xooga Dalka Soomaliaya iyagoo sheegay inasan wali arag masuul kusoo booqda isbitaalka kahor Madaxwaynaha Soomaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.