Daawo:Gudoomiye muuday oo Sheegay mooshinka Laga Keenay Jawaari waa sharci

muuday

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey ahaana midkii qabtay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ka hadlay go’aankii ay mooshinkaas ku laaleen gudiga joogtada.

Shir Jaraa’id uu gurigiisa Muqdisho Caawa Warbaahinta ugu qabtay ayaa waxa uu sheegay in Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka uu isaga kaliya u yeero karo Go’aankii ay mooshinkaas ku laaleena uusan waxba ka jirin.

Waxa uu sheegay in mooshinkii uu qabtay ee laga gudbiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu yahay mid sharci ah oo aysan jirin cid burburin karta,isla markaana mooshinkaas ay u soo gudbiyeen 107 Xildhibaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.