Wasaaradda Amniga oo digniin u dirtay Ganacsatadda Muqdisho

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Cabdicasiis Xildhibaan oo warbaahinta kula Magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Ganacsatadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in qaarkood ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xirikarin, islamarkaana cidii qaadata Amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilabaabo.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in garoomadda Muqdisho oo dhawaan ay xireen Al-Shabaab in uu ku baaqayo in la furo, maadaama Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada Muqdisho.

Digniintaan kasoo baxday Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmaysa xilli Al-Shabaab ay xireen inta badan Garoomadda Salaxa ee lagu ciyaaro ee ku yaalla Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.