Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka doodayo xeerkii dalka looga mamnuucayay DP World .

Xildhibaanada  Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya ayaa maanta Kalfadhiga 3aad kulankiisa koobaad ku yeelanayo Xarunta ay ku shiraan ee Magaladda Muqdisho sida qaar ka mid ah mudanayaasha ay  sheegay.

Kulanka Manka ee Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxaa looga doodi doonaa dhowr Ajande waxaana ugu weyn Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Madaxbanaanida Geyiga Soomaaliya kaa oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka Meel mariyeen islmarkana dalka looga Mamnuucay SHirrkadda DP World ee laga leeyahay Wadanka Isutagga IMaaraadka Carabta.

Dood badan ka dib ayaa mudanayaasha aqalka sare laga sugaya in ay ansixiyaan si  markaasi uu u saxixo Madxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo.

Dhanka kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa daba gal ku sameyndoonan Weerarkii bishii December ee sanadkii 2017ki  lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho Ka degan yahay Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.