Dowladda Hoose ee Xamar oo dib u howl-gelinaysa Nalalkii Soollarka

Dowladda hoose ee Xamar ayaa bilowday dib u howl-gelinta Nalalka ku shaqeeya ileyska Cadceedda ee Soollarka loo yaqaan, kuwaasoo qaarkood ay ku yimaadeen cillado kala duwan.

Howlaha dib loogu soo celinayo Nalalkan oo haatanba laga hirgeliyay inta u dhexeysa xarunta Xero Gaadiid iyo Taallada Xaawo taako, ayaa waxaa Xalay kormeer ku tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan iyo ku xigeenkiisa dhanka  amniga iyo siyaasadda Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) iyagoo shaqaalaha ku ammaanay howsha ay shacabka u hayaan.

Guddoomiye Tuulax oo goobta ka hadlay ayaa ku bogaadiyay farsamayaqaanada Dowladda hoose sida howl karnimada iyo waddaniyadda leh ee ay ugu qayb qaadanayaan dib usoo celinta Iftiinka iyo bilicda waddooyinka Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Tuulax ayaa ayaa sidoo kale Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Gobolka Banaadir ka codsaday inay Nalal ku xiraan goobaha ayan Soollarradu gaarin ee caasimadda Dalka, si loo helo Magaalo ka siman Iftiinka iyo bilicda.

Ku dhowaad 8 Sano muddo laga joogo ayaa Nalalka ku shaqeeya Cadceedda ee (Solar lights system) laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho iyo degaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay aaladdani wax weyn ka tartay amniga iyo bilicda Magaalooyinka Dalka, waxanay Dowladda hoose ee Xamar billowday haatan dib usoo nooleynta Nalalkii howl gabka noqday iyo kuwii cilladoobay ee Caasimadda Dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.