Saldhigga magaalada Jowhar oo laga sii daayay ganacsato shalay lagu xiray.

Xilli shalay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle lagu xiray ganacsato la tilmaamay in ay u socdeen kulan ay Al-shabaab kula balansanaayeen deegaanka Gamboole ee G/Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa lagu soo waramayaa in xabsiga laga sii daayay.

ganacsatada shalay lagu xiray saldhigga Jowhar ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo baqaarada ku leh magaalada lana soo xiriireen saraakiil Al-shabaab ah oo ugu yeeray deegaanka Gamboole.

kadib dedaalo ay sameeyeen ehelada ganacsatada ayaa waxaa lagu guuleeystay in saldhigga laga sii daayo ganacsatada waxaana wax laga weeydiiyay sababta ku kaliftay in ay Al-shabaab ugu tagaan deegaan ka fog magaalada.

Al-Shabaab ayaa  inta badan ganacsatada ka qaata lacago waxaana ay deegaanada aysan gacanta ku heyn sameeyaan in ay la xiriiraan ganacsatada una hanjabaan sida la tilmaamay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.