Golaha Shacabka oo maanta dood ka yeelanaya heshiiska muranka dhaliyay ee dekadda Berbera.

barlaman

Xubnaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo 10-kii bishaan Maarso Kalfadhigooda seddaxaad  uu furay  madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta yeelanayo kulanka ugu horeeyo Kalfadhigaan.

Sida qaar ka mida Xildhibaanada iyo Guddiga warfaafinta ay idaacadda Kulmiye u sheegeen.

Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada waxaa uu yahay Heshiiska Dp world ee Ku saabsan dekadda berbera kaa oo udhaxeeyayEthopia , Soomaaliland iyo sidoo kale shirkadda DP world ee laga leeyay Wadanka isu  tagga imaaraadka carabka.

Waxaana heshiiskaani  uu yahay mid Xukuumadda Soomaaliya ay sharci darro Ku tilmamtay.

iyadoo madaxda shirkadda DP World  ay sheegeen in Soomaaliland ay tahay dal Soomaaliya inteeda kale ka madax banaan hadalkaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka careysiiyay islamarkaana dacwad ka dhan ah imaaraadka ay ugudbisay Jaamacadda carabta oo Soomaaliya iyo imaaraadka ay ka wada tirsan yihiin.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa la  filayaa in Dood ka dib ay Go’aan qaataan kaa oo aan la ogeyn in uu la  mid noqonaya kan Xukuumadda ee ah in heshiisku sharci darro yahay iyo in uu ka duwanaan doono.

Arrintaasi Ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ayaa hakad gelisay Wadahadaladii Soomaaliya iyo sidoo kale Soomaaliland waxaana uu u muuqdaa mid wax kala fogeynayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.