Gudoomiyaha G/Banaadir iyo Taliyaasha Booliska iyo Nabadsugidda oo kormeeray degmooyin kamid ah Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Hey’adda Nabadsugidda Soomaaliya Jaamac Maxamed ayaa waxaa ay xalay kormeer ku tageen degmooyinka Kaaraan , Yaaqshiid iyo Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

iyadoo meelaha ay mas’uuliyiinta booqdeen kamid ahaayeen Xero Maslax iyo Darmooleey ayuu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed waxaa uu sheegay in ay tusale u tahay sida ciidamada amanka u xaqiijiyeen amniga.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in been abuur tahay wararka la sheego ee ah in dagaalamaayasha Al-shabaab ay ku xooganyihiin degmooyinka waqooyi ee Muqdisho.

Yariisow ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in shacabka dhamaan degmooyinka Gobolka uu ka codsanayo in ay la shaqeeyaan dowladda oo ay hey’adaha amniga ku wargeliyaan wixii amaanka carqalad ku ah.

inta badan degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee ay xalay mas’uuliyiinta ku tageen kormeerka ayaa waxaa ka dhaca dagaalo ay Al-shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmooyinkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.