Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda ka socota Muqdisho.

Xarunta Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee Gen.Kaahiye ayaa hadda waxa ka socda xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka qayb galaya Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaasha Labada Gole iyo ku xigeenadooda ayaa ka qayb galaya xafladda, sidoo kale xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamul Gobaleedyada Dalka iyo marti sharaf kale ayaa ka qayb galaya Xafladda oo si heer saro ah loo soo agaasimay.

Xubno ka socda Dowladda turkiga oo ka qayb galaya Xafladda maanta ka dhacaysa Iskuul Buluusiya ayaa halkaasi heshiis ku saabsan dhismaha xarunta Baarlamaanka kula saxiixday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya oo goobtaasi ku sugan ayaa lagu wadaa in dhawaan uu furo Kal-fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya waxaana hadda Bilaawday Khudbadaha ay jeedinayaan Martida ka qayb gashay xafladda.

 

La soco wixii ku soo kordha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.