Wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada oo maanta ka shiraya Canshuurta Iibka.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada maaliyadda ee maamul Gobaleedyada Soomaaliya ayaa maanta ka shiraya dhaqan gelinta canshuur dhawaan lagu soo rogay Ganacsatada Soomaaliyeed taas oo ka dhaqan gashay magaalada Muqdisho kadib muran muddo socday.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa wasiirada maaliyadda ee maamul gobaleedyada kala hadlaya sidii guud ahaan Soomaaliya looga dhaqan gelin lahaa canshuurta iibka Soomaaliya taas oo markii ugu horeysay ka dhaqan gashay magaalada Muqdisho.

Ganacsatada gobalka banaadir ayaa maalmo shaqo joojin sameeyay markii ay Dowladda ku soo rogtay canshuurta Iibka, waxayna dalbadeen in ay laga dhaqan geliyo Guud ahaan Soomaaliya, waxaana hadda muuqda in ay socoto ka dhaqan gelinta Guud ahaan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.