Madaxweynaha Somaliya oo Xalay kulan la Qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolkan Benaadir.

farmajo

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Maamulka Gobolka Banaadir, Ujeedada kulanka oo aan Warbaahinta wali lala wadaagin ayaa Wararku waxay sheegayaan in laga arrinsaday arrin quseeya Mustaqbalka Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan “Eng Yariisoow” iyo ku xigeenadiisa oo ay wehlinayaan Gudoomiye yaasha 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed  Sabriye ayaa sidoo kale kulanka ka qayb galay waxaana kulanka Dinacyaddu ay yeesheen uu qaatay muddo saacado ah.

Xubno ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay in aad looga hadlay Amniga Gobolka Banaadir.

Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa Maalmihii lasoo dhafay waxaa uu kulamo la qadanayay Masuuliyiinta Dhinaca Amniga ee Doowladda Soomaaliya.

Ujeedada kulanka waxaa waji kale u yeelay ka qayb galka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaali Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana Wararka qaar sheegayaan in la wado qorshe ku aadan in Xilka laga qaadi doono Gudoomniye yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Halka Wararka qaarna ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ay Masuuliyiinta Degmooyinka ku qanciyeen in ay Shaqadooda adkeestaan oo aan Xilka laga qaadi doonin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.