Madaxweeyne Waare oo u Tacsiyeeyay Ehaladii ay ka dhinteen Xilliban iyo Wasiir lagu Dilay Sh/ Hoose

Madaxweeynaha Maamulka Hirshabeele  Maxamed cabdi Waare ayaa tacsi u diray Eheladii iyo asaxaabtii ay ka geeriyoodeen Xillibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele oo lagu Magacaabo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax Kabaweyne iyo Wasiiru Dowlaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C.qaadir Craxmaan Baraf Oo labaduba Qarax lagula eegtay Duleedka Garoonka Balidoogle ku geeriyooday.

Madaxweeyne Waare ayaa ilaaheey uga baryay in uu Naxariistii janno ka waraabiyo Masuuliyiinta Shirshabeele iyo Koofur galbeed ee ku dhintay Qarax Al-shabaab ay la eegteen, wuxuuna sidoo kale tacsidiisa garsiiyay goleyaasha Maamuladda ay Masuuliyiintu ka dhinteen ee K/Galbeed iyo Hirshabeele.

Labadda Masuul waxay ku dhinteen miino Al-shabaab ay la eegteen Gaarigii ay saarnaayeen Xilli ay ku sugnaayeen Meel u dhow Deeganka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaana Sheegtay Masuuliyadda Weerarka ay Masuuliyiinta Maamulamuladdu ku dhinteen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.