Faah faahin: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Buuhoodle

dagaal

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray duleedka miyiga ah ee degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, kuwaasi oo wada dega Magaalada Buuhoodle.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada Maleeshiyo ay ku murmeen ceelbiyood ku yaalla miyiga Magaalada, ilaa hadda khasaaraha la ogyahay waa Saddex qof oo dhimasho ah iyo Todobo qof oo dhaawac ah.

Dadkii ku geeryooday dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay dhamaantood ahaayeen dhinacyadadii dagaalamay, halka kuwa dhaawaca ah qaarkood ay ku jiraan dad shacab ah oo Rasaasta ay ugu tagtay guryahooda.

Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa waxa ay sheegeen in Waxgarad iyo Ciidamo ay ku baxeen xalinta dagaal beeleedka dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay sheegeen in marar badan ay soo laab laabteen dagaal beeleedyada, balse hada wixii ka dambeeya ay bilaabayaan sidii loo dhameyn lahaa falalkan khasaaraha dhaliya.

Magaalada Buuhoodle ayaa horey waxa ay fariisin ugu aheyd maamulka Khaatuma oo uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeyr, inkastoo Cali Khaliif uu hada ku sugan yahay degaanada Somaliland oo uu wada hadal kula jiro maamulkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.