Laba Xildhiban oo ku Geeriyooday Qarax Miino.

deg

Qarax Miino oo jidka lagu aasay Maanta ayaa waxaa ku geeriyooday Labo Xildhibaan oo isku beel ahaa kana Tirsanaa Maamuladda Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.

Xildhibaanada oo watay Gaari kana soo baxay Wanla-Weyn ayaa u geeriyooday Sabab Qarax Miino oo wadadii ay adeegsanayeen la galiyey.

Waxaa lagu kala Magacaabi jiray Xildhibaanadda Geeriyooday Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali Baraf oo ahaa Wsaiir dowlaha Amniga Koofur galbeed Soomaaliya, Xildhibaana ka ahaa isla Maamulkaas.

Xildhibaanka kale ee isaguna Miinada ku dhintay waxaa lagu magacaabi Jiray Axmed Cabdi Faarax waxaana uu ahaa xildhibaan Hirshabeelle katirsanaa.

Labada Xildhibaan ee Geeriyootay ayaa isku beel ahaa, sida ay iisheegeen Eheladdooda dad katirsan oo aan Telephone ka kula Hadlay

Lama Shaacin Cida leh Masuuliyadda Weerarka dhacay, ee Xildhibaanadu ayku geeriyoodeen

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.