Howlgalka AMISOM oo ka digay Weero dhabo gal ah.

Weeradda al-shabab ay ku qadayaan ciidamadda Midowfa Africa iyo kuwa Dowladda faderalka ah ee Soomaliya ayaa ka sii dari kara Iyadoo Ciidamadu ay isku dayayaan in ay dib u furaan Wadooyin Muhiim ah oo hadda al-shabaab u go’an, Afayeenka Howlagalka ayaa sidas ka digay.

Gaashaanle dhexe Wilsom Rono ayaa Sheegay  in AMISOM iyo Ciidamadda Qalabka sida e Soomaliya ay isku dayayaan in ay furan Wadamadda Caasimadda Muqdisho ku xirta Magaaladda baudhabo Dherarkeedu dhan yahay 240 KM.

Afayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab oo Magaaladda Muqdisho laga saaray 2011 kii ay Xilliganna luminayaa Deegano badan.

Rono  ayaa sheegay in Jimcihii lasoo dhaafayoo al-shabaab ay Weerar ku qaadeen  Ciidamo AMISOM ah oo ku sugnaa Magaaladda Balcad iyo Duleedkeeda ay sidoo kale Ciidamaddu ka hortageen Weerar kale ka dhacay Deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gado.

“Cashar ayan ka baranay Dhacdada, laakiin Dagalka Nuucan ah ee Al-shabaab ay Adeegsanayan waa uu dhicidoonaa” aya yiri Wilsom Rono.

“Waqtiga Ciidamadu ay Doonayan in ay furaan Wadooyinka Xiran iyo Marka ay u safrayan Deegaano kala Fog waxay halis u yihiin Weerarro dhabo gal ah oo Al-shabaab uga yimada” ayuu Sidoo kale ka digay afayeenka AMISOM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.