Xoghayaha Horumarinta ingiriiska oo Kubaaqday in Macluul laga Badbaadiyo Maalaayiin Soomaali ah.

in

Xog  Chayaha Horumarinta Caalamiga ah ee Ingriiska Penny Mordaunt ayaa u sheegtay Deeq bixiye yaasha in ka sokoow in la weeciyay Macluusha Sanadkii tagay, Abaaru ay wali tahay Qatar ka jirta Soomaaliya.

Penny Mordaunt ayaa shirkii shalay lagu qabtay Magaladda London ee Dalka Ingiriiskaka sheegtay loo baahanyahay in Malayiin Soomali ah laga Badbaadiyo Macluul ay qarka u saaranyihiin.

Shirkaas oo ay wada marti galiyeen Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska, Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya iyo Xafiiska Isku xirka Arrimaha Gargaarka ee QM OCHA,  ayaa Dhinacyadii shirkaas ka qayb galay waxay Dalbadeen in Dadaal lagu Bixiyo 5.4 Million oo Ruux kuwaas oo u baahan Gargaar.

Lix Sano ka dib markii Dalka ay ku dhufatay Abaar ay ku dhinteen 260,000 oo Soomali ah oo kala barna ay caruur ahaayeen, ayaa Hadda Heey’adaha gargarka yo Deq bixiyeyaashu waxay Muujinayaan Dadaal la doonayo in Macluul looga hortago.

Sanadkii Tagay ee 2017 kii ayaa Heey’ada gargaarka iyo QM waxay sheegeen in laga hortagay Macluul ay Dad badan Wajahayeen laakiin Qatartii macluulshu waa ay jirta 2018, Sidii lagu soo hadal qaaday shirkii London Sanadkan waaxaa loo bahan yahay in loo shaqeeyo si ka adag Sanadkii hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.