Ku dhawaad 50 ruux oo ku sumoobay Kaluun ay cuneen oo la dhigay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraayo qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay sumoobeyn dad ku dhow 50 ruux oo Cunay Kaluun Sumeysan sida ay noo xaqiijiyeen Ehelada dadka qaar ee Sumoobay.

Dadkaan oo Isbitaalka la dhigay ayaa la sheegay in xaaladooda ay aad u daran tahay kadib markii ay ku sumoobeen Kaluun lagu sheegay inuu sumeysnaay oo ay ka soo iibsadeen sida la sheegay Kawaanka Xamar-weyne ee Kaluunka lagu iibiyo,.

Dadkaan Kaluunka ku sumoobnay ayaa waxaa ku jira Qoys ka kooban 5 ruux Hooyo iyo 4 Gabdhood oo ay dhahsay”.

Lamana oga sabaabta ka dambeysa Kaluunka sumeysan in Kaluunka oo Sumeysan laga soo qabtay Badda iyo in lasoo Sumeeyay intaba.

Wallow la ogsoonyahay in Badda Soomaliya aysan jirin iminka cid sigaar ah u ilaaliso iydoona Maraaakiib fara badana ay dhex joogaan Biyaha Soomaliya kuwaasi oo waxa ay ka sameeynayaan aanan la ogeyn balse qaar kamid ah Shirkadahaas ay sheegeen in Burcad-Badeed Soomaali ah ay ka ilaalinayaan Xeebaha Caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.