Xildhibaan Sakariye”Imaaraadka way ku soo duushay Madaxbanaanida Soomaaliya”.

sak

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi  oo ka mid ah barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ku soo duushay Madaxbanaanida Soomaaliya, isla markaana Dowlada Soomaaliya u soo jeediyay in jawaab deg deg ah ay ka bixiso duulaan kaas qaawan ee lagu qaaday Madax banaanidda Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaan Sakariye ayaa imaanaya xili shalay Madaxda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP world Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo la hadlay warbaahinta Imaaraadka uu sheegay in Dowlada Soomaaliya aynan waxba ka quseynin heshiiska Dekada Magaalada Barbara, isla markaana ay tahay Somaliland Dowlad Madax banaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.