Guddiga dib u eegista Dastuurka ee B.S oo weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

xoosh

War ay soo saareen Guddiga la socodka dib u eegitsa iyo hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kalsoonida ay kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Gudigaan ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxayna eedeymahaas ay ku wargiliyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddiga la socodka dib u eegitsa iyo hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wasiirka ku eedeeyay inuu ka baxay wada shaqeyntii ay la lahaayeen ee arrimaha Dastuurka, iyo In uu hortaagan yahay geeddi-socodka Dastuurka Qabyada ah, waxayna Baarlamaanka ka dalbadeen inuu ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan Wasiirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.