Maamulka Galmudug”Waa arimo Siyaasadeed jidgooyooyinka la soo dhigay Duleedka Cadaado”.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo badanayeen tirada Jid gooyinka ay Maleeshiyaadka hubeysani ay dhiganayaan duleedka Degmada Cadado Ee Gobolka Galgaduud ayaa Saameyn Xoogan waxay arrintaas ku yeelatay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee ku Safra wadada dheer ee marta gobolda dhexe ee somaaliya.

Masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Galmudug waxa ay sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin Isbaarooyinkaas la soo dhoobay Duleedka Magaalada Cdaado.

Mas’uuliyiintaan oo ka tirsan Hay’adaha kala duwan ee amaanka u qaabilsan Galmudug ayaa Sheegay in Kooxaha hadda Jidgooyooyinka dhiganaya ay isugu Jiraan Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan kuwa Galmudug iyo Maleeshiyaad kale oo deegaanka ah.

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug iyo ku xigeenka ayaa Sheegay in ay jiraan arimo siyaasadeed oo Ciidamada Galmudug ka hor taagan in ay talaabo ka qaadan dadka Isbaarooyinka dhiganaya Deegaanadaasi waxa ayna ku baaqeen in la xaliyo tabashooyinka dadka qaar ee u nool Deegaanada Galmudug si Laamaha Amaanka Maamulka ay ugu Suurta gasho in ay Talaabo qaadaan.

Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Cadado ayaa isna Sheegay in marar badan Ciidamada Amaanka isku dayeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada dadka muasaafurka loogu geysanayo deegaanada mamulkaasi balse aysan u Suurta galin ilaa iyo hada in ay ka taqalusaan Kooxahaasi dhibaatada ku haya dadka shacabka ah.

Duleedka Degmada Cadaado ilaa iyo Degmada Galinsoor ee Gobolka Galguduud Maamihii la dhaafay waxaa la soo dhigayin ka badan 20 jidgooyo kuwaasi oo Lacago Badan looga qaado Dadka Shacabka ah Ee Ku Safraya Wadadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.