Dhalinayaro Laga Soo Daayay Xabsiyada Libya Oo Ku Soo Wajahan M/Muqdisho

Dhalinyaro Somaliyed oo lagu guuleystay in laga soo daayo xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Somaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray.

Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Somali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay u dulqaadan waayeen xabsiyada dalka Libya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ku haystay.

Barta xiriirka Bulshada uu ku leeyahay Safiir Ali Fiqi, ayaa wuxuu soo dhigay hadal kooban oo muujinaayay dhalinyaradaasi xabsiyada laga soo daayay iyo sida dowladda Somaliya ay ugu dadaashay.

“Wiilashi ugu horeeyay ee Xabsiyada Tajora iyo Sika ku xirnaa ayaa saaka ka ambabaxey Magaalada Tripoli iyagoo ku si jeeda dhulkoodi hooyo. Waxay marayan TUNIS, Istanbul kadibna Muqdishu, iyadoo ka degi doono Garoonka Adan Abdulle Osman maalinta Arabacada subaxdi. Insha Allah safar Salaama.” Ayuu yiri Amb. Ali Fiqi

Inkastoo tirada dhalinyarada Somaliyed ee ku xiran xabsiyada dalka Libya ay aad u badan yihiin, ayaa haddana 13 ka mid ah kaliya ogolaatay in dalkooda lagu soo celiyo, halka kuwa kalena ay sheegeen inay ku sii sugnaanayaan dalka Libya.

Dowladda Somaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dalalka caalamka looga sii dayn lahaa dhalinyarada Somaliyed ee ku dhiban, xilli dalka la keenay maxaabiis kala duwan oo India, Itoobiya, Libya iyo Seychelles dowladda ay ka soo daysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.