Sawirro:-Ganacsiga Suuqa Kaawa Godey Oo Xiran & Banaanbax Ka Dhacay.

Banaanbaxaan ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Kaawa godeey qeybta degmada Dharkenley,waxana isugu soo baxay Shacabka ku nool Xaafadaas oo wadooyinkeeda banaanbaxa ka dhigaya.

Dadka banaanaxa dhigaya ayaa waxa ay ka cabanayeen in aan waxba laga qaban dil dhawaan loo geystay Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo tababare ciidanka ka ahaa Dugisga tababarka Jasiira ee Degmada Wadajir.

Dhammaan waxaa xiran Goobihii Ganacsiga Xaafada Kaawa Godey qeybta degmada Dharkenley,iyada oo Ganacsatada iyo dadka degan Xaafadaas ay ka qeyb qaadanayaan banaanbaxa.

Banaanbaxayasha qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in dilka Sarkaalkaas ay ka dambeyeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyaga oo sheegay in ay dileen Nin tuug ahaa sida ay hadalka u dhigeen,mana jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Weli majirto cid ka tirsan Maamulka degmada Dharkenley oo dadkaasi la hadashay,si ay banaanbaxa u joojiyaan isla markaana cabashadooda ka jawaabtay.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Banaanbaxayaasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.