Xildhibaan Odawaa” Midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa lama taabtaan”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay hadal uu jeediyay Agaasimaha Shirkadda DP World ee ahaa in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseynin Heshiiska dekedda Berbera.

Qoraal uu arintaasi kaga hadlay Xildhibaanka ayaa sidaan u qornaa:

Midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa lama taabtaan.

Waxa aan dhagaystay waraysiga oo uu bixiyay maareeyaha shirkada DP World ee Sultan bin Saxiim. Waxa uu yiri nama khuseeyaan waxa ka soo yeeray dowladda dhexe ee Soomalia, Somaliland-na waa dal 28 sano madax banaan.
Markii ay halkaas marayso waxaanu leenahay looma dulqaadan karo ku xadgudubka midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya.
Heshiiskani waxa uu xittaa xadgudub ku yahay maamulka Somaliland oo dakaddii ay maamulayeen ka qaatay share dhan 31%, intii kalana u ogolaaday dalal shisheeye.

Xukuumaddu waa in ay talaabooyin qaadaa oo kala ah:

1- In loo yeeraa safiirka UAE u fadhiya Somaliya lagana waraystaa mawqifkooda ku aadan midnimada Somaliya.
2- In dhammaan heshiisyada DP World ee Soomaaliya la joojiyaa sida kan Barbara iyo Bosaaso (maadama aysan ogolaan xukumadda Federaalka ah, barlamaankuna uusan ansixin labada heshiisba)

Haddi aysan xukuumaddu qaadin talaabooyin cad cad oo aan aheyn baaq kaliya, waxaan u qaadanaynaa in ay arimaha wax ka ogtahay, kumana filla baaq oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.