Shirkadda DP World oo Si kulul uga jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre

dpword

Suldaan Ahmed Bin Suleymaan  oo ah  Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Sidoo kale Shirkadda DP World.

Waxaa uu sheegay in Heshiiska aysan waxba ka khuseyn dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana uu ahaa Mid u dhaxeeyay Somaliland , Itoobiya, iyo Shirkadda DP World.

Agaasimaha ayaa sidoo kale in tilmaamay in Ogolaansha Dekedda berbera ay ka heleen Baarlamaanka Somaliland.

“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Agaasimaha ayaa sidoo kale Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga leeyihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Hadalkaan kasoo baxay Shirkadda DP World ayaa kusoo beegmaya Xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay ku tilmaamtay mid Sharci daro ah heshiiskaasi, islamarkaana heshiikaasi uu shakigelinaayo Madaxbaanida Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.