Sida ay shaaciyeen Saraakiisha Amaanka Puntland , Ciidanka Amniga ee Maamulka  Puntland  ayaa muddooyinkan dambe hawlgallo ballaaran oo dhanka Amaanka ah waxaa ay  ka wadeen waddooyinka isku xira deegaanada Balikhadar,Majiyahan,Maraje,Muguc iyo Ceel Onkod ee dhamaan u dhaw Buuraha Cal Madow ee G/Bariayaa.

waxaa ay saraakiisha sheegeen in ay  ku guulaysteen in waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala ay ka saareen miinooyin gaaraya ilaa afar oo ay sheegeen in AL-Shabaab ku doonayeen in ay ku qarxiyaan Ciidanka Puntland.

waxaa ay intaa ku dareen in  Ciidanka Amaanka Puntland ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga G/Bari.

deegaanada Gobolka Bari iyo Magaalada Boosaaso ee gobolkaasi ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo ay geystaan Daacish iyo Al-shabaab iyo sidoo kale dagaal toos ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.