Shir diiradda lagu saarayo xaaladda barakacayaashaca oo Muqdisho ka furmay maanta

Waxaa Goordhaw Magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayo xaalada barakacayaasha oo uu soo qaban qaabiyay maamulka G/Banaadir.

shirka ayaa waxaa ka qeybgelaya dowladda Federaalka ah,Dowlad Goboleedyada,Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’adamnimada iyo Ururrada Bulshada Riyidka ah.

waxa shirka looga hadlayaa xaalada barakacayaasha sida:-

1-Xaaladda Dhabta ah oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Muqdisho.

2- Xaaladda amni ee kaamamka Barakacayaasha Muqdisho.

3- Aragtida iyo Sharuucyadda dalka ee la xariira Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

4- Sida dib u dejin loogu sameyn karo barakacayaasha iyo Sida loogu celin karo meelihii ay ka kala yimaadeen.

Kulankan waxaa uu socon doonaa Mudo hal maalin ah, waxaana ka soo bixidoono go’aano sida ay xaqiijiyeen Maamulka gobolka Banaadir lagu cadeyn doono Warsaxaafadeedka Shirka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.