Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Turkiga Ka Guddoomay Labis Ciidan

Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ayaa maanta guddoomay Dreeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.

Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidamada Cirka iyoBadda Soomaaliya ayaa isugu jiray sida dharka iyo kabaha buudka ah oo ay ciidamadu xirtaan iyo agabkale oo labiska ciidamada laxiriira,kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo daareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xooga Dalka ayaa ka dhacay Xerasa Tsbabarka Jasiira,waxaana taliyahaa Ciidamada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowlada Turkigu inoogu deeqday,manaahan markii ugu horeysay,waa markii labaad oo deeq tan lamid ah ay inookeento Dowladda Turkiga,waxaan dhihikarnaa waa cusub ayaa inoo baryay,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay”.ayay dheheen taliyaasha Ciidamada Cirka iyo Badda.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,isaga oo ku tilmaamay mid dhiirogelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Turkiga oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa dowr muuqda ku leh taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidamada Qalabka sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.