Laamaha Amniga Oo Sheegay In Ay Ka Hortageen Qaraxyo Ka Dhici Lahaa Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in sababihii laamaha amniga Soomaaliya ay u xireen wadooyinka iyo Isgoysyada magaalada Muqdisho ay aheyd sugida ammniga iyo ka hortegida qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan(Yariisow) ayaa sheegy in ay aad uga xumaayeen xernaanshaha wadooyinka,balse laamaha amniga Soomaaliya ay ka heleen xogo ku saabsan in laga hortegay qaraxyo ka dhici laha Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Shacabka Gobolka Banaadir laga doonayo dhankooda in ay la soo wadaan xogaha si looga hortago wax kasta oo sababi kara amnidarro ka dhacda Magaalada Muqdisho.

Isaga oo sii hadlayay ayuu shegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan tabashada ama cabashada uga imaaneysa shacabka,laakin taas bedelkeeda la doonayo in shacabka iyo laamaha amniga ay wada Shaqeeyaan.

Mudo Afar Maalin ah ayaa waxaa inta badan xirnaa Isgoysyada Waaweyn ee ku yaalla Magaalada Muqdisho,waxana xirnaansha wadooyinkas cabasho ka keenay Shacabka Magaalada Muqdisho oo dhibaato ku qabay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.