Gudigi Gurmadka Qaran ee Qaraxii Zoobe oo ku dhawaaqay in ay gurmadka soo gabagabeeyeen.

Gudigi gurmadka qaran ee qaraxii zoobe uuna magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay munaasabad ay ku qabteyn magaalada Muqdisho waxaa ay ku sheegeen in ay soo gaba gabeeyeen howshi gurmadka ahayd ee ay wadeen.

Xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa munaasabad ay gudigi Gurmadka qaran ku qabteyn waxa ka qeybgalay ku simaha Ra’iisal wasaare ahna ku xigeenka , wasiiro , xildhibaano , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho , Culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Lacag ka badan 4-milyan oo Dollar ayey gudigu gacanta ku dhigeyn tan iyo markii uu dhacay qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe 14-October dad gaaraya  3,kun ayuuna adeegaasi si toos ah u gaaray sida uu sheegay C/llaahi Shirwac gudoomiyaha Gudigaasi.

“Dadka aan sida tooska ah ugu adeegnay marka la fiiri waxaa weeyaan 3748, lacagta nasoo gashayna waa Lacag ka badan 4-Milyan inteedii ugu badneedna wan bixinay,waxaana u bixinay agoontii dadkii laga dhintay iyo dadkii ku hanta belay oo dhammaantood ahaa dadkii musiibadaas ay qabsatay 14-kii Octoober ayuu yiri Gudoomiye Shirwac

Warbixinta gunaanadka u aheyd howshii taakuleynta ee gudiga gurmadka qaran ayaa talo loogu soo jeediyay Madaxda Qaranka in ay ka faala qaadaan caruurtii ku agoontoobay dhacdadii 14-october Waxaana gudoomiyaha Gudiga Gurmadka qaran C/llaahi Shirwac uu sheegay in Hey’ad Kheyriya ah oo laga leeyahay Qadar iyo safaarada Imaaradka ay ka faala qaadeyn boqolaal kamid ah caruurta agoonta.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku sugnaa madashii lagu soo bandhigay qorsha howleedkii Gudiga ay fuliyeen ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadu ay qaadaneyso doorkeeda in ay qaado mas’uuliyada Caruurta ku agoontoobay Weerarkii Zoobe oo ay xukuumada qorashahaasi diyaarineyso.

Qaraxii Zoobe ee 14-ki Octber 2017 ayaa ahaa kii ugu waynaa uguna khasaaraha badnaa  abid ee ka dhaca Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika,  waxaana uu saameeyay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.