Maxkamad ku taal Koonfur Afrika oo xukun ku riday nin dilay muwaadin Soomaali ah.

Maxkamad ku taala Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika ayaa xukun 35 Sano oo xasbi ah ku ridday nin hore u dilay muwaadin soomaali ah.

Nin koonfur afrikaan ah oo lagu magacabo  John Arnoldus ayaa  lagu helay in uu ka mid yahay burcadda dadka dila ee dalkaasi.

Ninkan oo 32 jir ah ayaa mudo labo sano ah kahor  waxaa uu dilay Muwaaddin Soomaali ah oo dukaan ku lahaa Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Booliska koonfur afrika ayaa xeray sanadki hore waxaana ay mudo kuwadeen baritaano la xeriira kiiskiisa ugu dambeyn ayay todobaadkan geeyeen maxkamadada.

Maxkamadda Magaalada Cape Town ayaa John Arnoldus  ku xukuntay 35 Sano oo Xabsi ah, waxaase sharci yaqaanada qaar ku andacoonayaan inuu mudnaa xab daa’in .

Dalka koonfur afrika ayaa lagu dhibaateeyaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan iyadoo sanad waliba tiro badan oo Soomaali ah lagu dilo dalkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.