ku dhawaad 30-gawaarida xamuulka qaada oo ku xaniban duleedka magaalada Cadaado.

Mudo labo maalmood ayaa waxaa duleedka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku xeyiran ku dhawaad 30-gaari nuuca xamuulka qaada ah kadib markii ay halkaasi ku soo bateen isbaarooyinka.

Baabuurta hada ku xayiran duleedka magaalada cadaado ayaa gaaraya 22 kamid ah gaadiidka xamuulka qaada ee ka shaqeya gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah darawalada uu gaadiidka uga xayiranyahay halkaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay xamuul ka soo qaadeen magaalada Gaalkacyo kuna xayiranyihiin duleedka cadaado islamarkaana isbaarada lagu weydiyay in ay bixiyaan lacago gaaraya gaadiidka qaar $50 halka kuwo kalena laga rabo $100 ayna heystao dhibaato adag.

Maamulka Galmudug aya dhowr jeer oo hore warbahinta ka sheegay in ay cirib tiri doonan kooxaha isbaarooyinka dhigta duleedka magaalada Cadaado iyo guud ahaan deegaanada maamulkaasi , waxaase wali jirta in ay isbaarooyinkaan yihiin kuwo dhibaato ku haya gaadiidka iskaga kala goosha Mudug iyo Galgaduud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.