AKHRISO: Qodobadda looga hadlaayo Shirka Maanta ka furmaya G/Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada muqdisho ku qabanaya shir wadatashi ah oo ku saabsan Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabtay gobolka banaadir.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Masa’uuliyiinta Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Dowlad Goboleedyadda, ururrada bulshada rayidka qeybahooda kala duwan, iyo maamulada degmooyinka.

Qodobada shirka loogu hadlayo ayaa waxaa ka mid ah

1-Xaaladda Dhabta ah oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Muqdisho.

2- Xaaladda amni ee kaamamka Barakacayaasha Muqdisho.

3- Aragtida iyo Sharuucyadda dalka ee la xariira Arrimaha Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabtay.

4- Sida dib u dejin loogu sameyn karo barakacayaasha iyo Sida loogu celin karo meelihii ay ka kala yimaadeen.

Furitaanka shirka ayaa waxa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka banaadir.

Shirkan waxaa uu socon doonaa Mudo hal maalin ah, waxaana gabagabada shir lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed iyo go’aano la taaban karo sida ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.