SOMA oo ka walaacsan Qalabkii Radio Balcad ee la qaatay

Ururka  Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si weyn uga walaacsan  qalabkii Idaacadda Radio Balcad oo ay qaateen dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib markii maalmo ka hor ay qabsadeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degmada Balcad waxa ay  30-Km   u jirtaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Idaacadda Radio Balcad waa xubin firfircoon oo ka tirsan Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) oo la aasaasay shan sano ka hor, kaas oo ka kooban 38 goobood oo warbaahin oo ka shaqeeya Soomaaliya.

Agaasimaha Radio Balcad Cabdixakim Xuseen Islow ayaa sheegay in markii Al-Shabaab ay si qarsoodi ah ula wareegeen degmada Balcad  Jimcihii 2-dii Bishaan, 2018 ay qaateen dhammaan qalabkii ay ku shaqeynaysay Idaacadda Radio Balcad.

Waxaa uu sheegay Shabaab qalabka ay qaateen in ay ka mid yihiin.

Transmitter Ama Wareejiyaha 500 watts

Mashiinka ama Mixer – hal qayb

lix kombuyuutar oo laptop ah

Kumbuyuutar Desk Top ah.

MP-3 Recorder Voice – 3 qaybood

Xiriirka fiilooyinka korontada – 10 qaybood

Dhalooyinka TV-yadda.

Suxuuno – 2 xabbo oo loogu talagalay gudbinta adeegga VOA iyo BBC Somali

Microfones – 7 qaybood

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si adag ugu boorriyay ciidamada Al-shabaab in ay ixtiraamaan shaqada warbaahinta madaxa banaan iyo xorriyadda hadalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.