Ciidamo xoog kula wareegay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Qardho

Askar ka tirsan Ciidanka Birmadka maamulka Puntland ayaa saaka la wareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga magaalada Qardho sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Maamulka degmada Qardho ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay Albaabada u laabeen xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in Wasaaradda Maaliyadda Puntland Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay in aysan siin wax Mushaar ah.

Waxa ay sheegeen in ay gacanta kusii heyn doonaan Bankiga iyo Wasaaradda maaliyadda tan iyo inta ay helayaan xuquuqda ka maqan.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin cabashada askartaasi ee ku aaddan in ay mushahar la’aan yihiin muddo saddex bilood,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Birmadka Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.