Daawo:Safiirka Soomaliya ee dalka India iyo Maxaabiis ayaa ka soo dagay Garoonka Diyaradaha Muqdisho

guuled

Diyaarad Sida Maxaabis laga soo daayay xabsiyadda dalka Hindiya oo ay Hogaaminayso Safiiska Soomaliya ee Dalka India Ebyan Ladane ayaa kasoo dagtay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada muqdisho.

Maxaabiistan oo galabta laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradoodi gaareysa ilaa 76-maxbuus,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah.
Raisulwasaare kuxigeenka Dalka ahna kusimaha Raisulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.
Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashey siideynta muwaadiniinteed oo ku xirxiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee kujira Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.