WARBIXIN:-Dhib badan kadib waddooyinkii Muqdisho oo la furay.

Waa magaalo ay si buuxda gacanta ugu heyso Dowladda Soomaaliya waxaa ka howlgala Ciidamada ugu badan ee Booliiska, Nabad Sugidda iyo Milatariga Soomaaliya waxaa ku nool in kabadan 3 milyan oo qof sidoo kale waa magaalo ay ku nool yihiin dhamaan madaxda qaranka, Xildhibaanada, Golaha Wasiirada iyo saraakiisha oo dhan lacagta ugu badan ee dalka waa magaalada lagu bixiyo.

Maalmihii la soo dhaafay waxay ahayd magaalo kala go’an dhinac Dowladda ayaa xiratay dhinacna waxay ahayd meel aan laga war qabin oo waxay u furneed shacab iyo cidii kale ee dan ka yeelata, dadka qaar ayaa ku tilmaamay in uu soo laabtay qadkii cagaarnaa xiligii colaadda kuwa kale ayaa ku tilmaamay magaaladii dhibaneed ee QASA.

Askari qori la taagan, 7 jir Iskuulkii laga celinayo, Haweenay Fool ah oo isbitaalkii loo diiday, waayeel Gaadiid kala wareeg raacaya, maskiin lacagtii waayay oo lagaynaya ayay waayo joog u soo ahaayeen maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool goobihii u xirnaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Magaalada aan ka sheekeynayo waa Muqdisho, waa Caasimadii Dalka waa magaalada ay dagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo Madaxdii Dalka oo dhan ee Fedaraalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ku sugan.

Muqdisho waxay soo martay waayo kala duwan, balse markaan ayaa muuqdo dadaalo wax looga qabanayo talaab kasta oo la qaadana waxay wadataa dhibaatooyin saameynaya Shacabka balse hiigsiga yahay helidda amaanka magaalada dhiban ee Muqdisho.

Maalmihii la soo dhaafay oo ay magaalada xirneed waxaa shacabak soo wajahday xaalado aad u adag oo dhinaca nolasha ah ilaa hadana lama oga sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho.

Saakay wixii ka dambeeyay 8:00 Am xiliga Muqdisho ayaa inta badan la furay wadooyinkii xirnaa balse wali waxaa xiran qaar kale, kama hadlayo jid cadayeeshii Dowlada goysay ee waxaan ka hadlaynaa kuwii ugu dambeeyay ee maalmihii la soo dhaafay ay xireen Ciidamada amaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.