Kenya oo Dhibaato ku haysa Gobolka Gedo iyo Isgaarsiintii Dhamase oo Kenya Burburisay

isgaarsin

Gobaolka Gedo ayaa waxaa Ka jira Dhibaatooyin Badan oo kamid yihiin Ciidamada Amisom dil, Dhac Iyo Burburin Hantiyadeed ka sameeya Gobolka Gedo waxaa kaloo dhibaato ku haya Maamulka Axmed madoobe hogaamiyo ee Jubbaland kuwaas oo Dhaqaalaha Iyo hantida loogu talagalay Gobolka Gedo Dhunsado iyadoo aysan jirin Masuuliyiin ama Madax ka dhiidhiya boobka maamulka Jubbaland ku ahayaan gobolka Gedo.

Ciidanka Kenya ayaa waxay Burburiyey Xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku laheyd Dhamase ee Gobolka Gedo, Sidoo kale Ciidamada Kenya bilihii la soo dhaafay Waxay burburiyeen Xaruntii ay shirkada Hormuud ku leheed Degmada Ceelwaaq Gobolka Gedo.

Dhan kale Ciidamada Itoobiya ayaa waxay dilal ka gaysteen Gobolka Gedo, dhibaatooyinka ay Ciidmada Amisom ugaystaan shacabka Gobolka Gedo ayaa waxaan jirin masuuliyiin kasoo jeeda gobolka Gedo oo ka hadla dhibka loo gaysto shacabka Iyo hantidooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.