Dowlada Burundi oo ka hadashay khasaarihii ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay D/Balcad.

Kadib markii shalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka SH/Dhexe oo muddo daqiiqado ah ay la wareegeen gacanta ay ku haynta degmada Balcad dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inkastoo markii danbe ay iskood ugu baxeen.

Dhankale Al-shabaab ayaa Jidka u galay Ciidamo Burundi ah oo marayay halka layiraahdo Hanshiikh halkaasi oo Ciidamada Burindi looga gubay sedax gaari, khasaaro kalane lagu gaarsiiyay sida wararka ay tilmaamayaan Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in 5 ka mid ah askartooda ay ku dhinteen weerar jidgal ahaa oo ay  kala kulmeen AL-shabaab.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerarkaas Ciidamada Burindi ee AMISOM ay kaga dileen ku dhawaad 20 Askari, laakiin, Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi Gaston Sindimwo, ayaa beeniyay in Ciidamadooda loogu dilay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe ay gaarayaan 20 Askari, Madaxweyne ku xigeenka dalka Burundi  wuxuuna tilmaamay in dowlada Burunti ay aad ugu murugeysantahay Askasta kaga geeriyootay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna balan qaaday in Ciidamada Burundi ay sii wadi doonaan howgalka ay ka wadaan Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.