Maxaabiis laga sii daayay Xabsiyada Hindiya oo Maanta la keenayo Muqdisho

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xernaa xabsiyada ku yaala Dalka Hinya.

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxay gaareysaa ku dhawaad 80 Maxbuus oo Soomaali ah kuwaas oo muddo dheer ku jiray xabsiyada ku yaala dalka Hindiya, waxaana loo haystay eedeymo kala duwan, gaar ahaan inta badan waxay ku eedeysnaayeen Burcad badeednimo.

Dhawaan ayey aheed markii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dhalinyado Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Liibiya oo dhibaatooyin kala duwan ay ku haysatay dalkaasi Liibiya.

Qaban qaabada soo dhaweynta Maxaabiistaan ayaa hadda waxay ka socotaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadn Cadde ee Magaalada Muqdisho, Wasiiro, Xildhibaano, xubno kale oo ka tirsan dowlada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa hadda ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Maxaabiistaan Maanta laga soo dajinaayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socda Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimada Dibada ee Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa`uud.

Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiye ayaa dhawaan kala saxiixday heshiisyo dhanka Maxaabiista ah taas oo fudadeysay siideysmada Maxaabiistaan, dalka Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan oo ay dhibaatadu ku heysato dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.