Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Afgooye.

deg

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin lala beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo Dowlada ah oo ay taba bartay Dowlada Imaaraadka.

Wararka ayaa tilmaamaya in fadhiisimihii uu ka dhacay weerarku Ismiidaaminta ah in hadda ay ka socoto dagaal u dhaxeeysa ciidamadii Dowlada iyo kooxdii weerarka ku qaaday ciidamadaasi.

Warar hor dhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Ismiidaaminta loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, isla markaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan, inkastoo aan la xaqiijinin inta uu khasaaraha uu la egyahay.

Lasoco wixii ka soo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.