Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in heshiiska Dekedda Berbera uu yahay sharci darro iyo Barlamaanka Soomaliya oo ka fariisanaya

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadlayso heshiiska dekedda Berbera, Wasaaradda ayaa ku tilmaamatay heshiiskan mid mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn heshiiskan loona maray habraac aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel-Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Barlamaanka Soomaliya ayaa lafilayaa markuu furno inay ka fariistan boobka ay shirka Dp world ku hayso Dekadaha Soomaaliya iyagoo u marayn sifo sharci ah, Dhawaan Bay ahayd markii Dolwada Jabuuti ay xariirka u jartay shirkada Dp world ee laga lee yahay Dalka Imaaradka Carabta.
berbera

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.