Ra`iisul Wasaare Kheyre oo ubax dhigay Taalo muhiim u ah Imaaraadka.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Isutagga Imaaraadka ayaa shalay  booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto halgamaayaashii Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,wuxuuna Ra’iisul wasaaraha  halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taaladaasi uu R/wasaaraha Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul wasaare Kheyre intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabra

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.