Qarax Ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho

qarax

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhaw ka dhacay Xarun Ciidamada amaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ay ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Gaariga oo ahaa Nuuca raaxada oo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho kadibna uu isku qarxiyay dhismo ay Ciidanka deganaayeen oo ku yaalo meel laamiga dhowr tilaab ujirta oo ay Ciidamada deganaayeen.

Lama oga inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaasi waxaana wararka hor dhaca ay sheegayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.