Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kaga qeyb galaya shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo Maalinta berri ah uu ka furmi doono shir ku saabsan istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.
Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.