Akhriso:-Ciidamada Dowladda Oo Dib Uga Soo Baxay Deegaanka Moqokori

dagal

Arroornimadii hore ee saakay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen tiro yar oo ka tirsan ciidamada Itoobiya waxa ay dagaal kula wareegeen deegaanka Moqakori ee Gobolka Hiraan oo ay maamulayeen Al-Shabaab balse waxaa haatan la sheegayaa in ay isaga baxeen Ciidamada dowladda.

Wariyaasha ku sugan Gobolka Hiiraan ay sheegayaa in mudo Saacado ah oo ay ciidamada isgarabsanayay ay ku sugnaayeen deegaanka Moqokori ay sinabad ah uga soo baxeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo aan la xiriiray ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan,waxana wararkii u dambeeyay ay nasoo gaaray ayaa sheegayaan in deegaanka Moqakori uu Maanta yahay mid haawanaya oo aan cidna ka talin.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa iyana waxa ay inoo sheegeen in weli Al-Shabaab aysan soo gelin deegaankaas isla markaana ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan Magaalada duleedkeeda.

Ciidamada Dowladda ee saakay qabsaday deegaanka Moqakori ayaa ka baxay degmada Matabaan ee isla Gobolka Hiiraan balse ugu dambeyn ay barqadii Maanta isaga soo baxeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.