Ciidamada oo qabtay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qabtay rag iyo sidoo kale hubkii ay wateen oo gaarigaasi la socday.

Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada gaarigaasi ayaa lagu qabtay Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada Baledweyne.

Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, qaybta Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay Gaariga ay ku raran yihiin Biraha laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo hubka,waxa uuna sheegay in dadkaas baaritaan lagu sameyn doono.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.