War deg deg ah:- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ka bilaawday Degmada Baardheere.

deg

Wararka naga soo gaarayo degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa soo sheegayo in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo Ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab uu ka bilaawday duleedka degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa ka bilaawday deegaan lagu magacaabo Fax-Faxdhuun iyo sidoo kale gariley oo ku beegan duleedka degmada Baardheere, goob joogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo hub culus iyo midka fudud.

Mas’uuliyiinta degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaalkaan uu daba joogo dagaal kale oo xalay ka dhacay deegaanka Gariley oo ku dhaw Fax-Faxdhuun kadib markii waddada loo galay Ciidamada Kenya.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, balse saraakiisha militariga Soomaaliya ee gobalka Gedo ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in dagaalka ilaa hadda uu ka socdo inta u dhaxeysa Fax-Faxdhuun iyo Gariley ee duleedka degmada Baardheere ee gobalka.

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.