Sawiro:-Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Go’aan Ka Gaartay Muran Ka Dhaxeeyay Aadan Barre Ducaale Iyo Faarax Macallin

Maxkamadda oo saaka u fariisatay go’aan ka gaarista Kursiga ayaa kursigaas u xalaaleysay Aadan Barre Ducaale iyada oo eedihii Faarax Macallin loo waayay caddeymo ku filan.

Laanta Maxkamadda sare ee Kenya u qaabilsan Milimani,ayaa go’aankan ku dhawaaqday daqiiqado ka hor,waxaana Aadan oo ku faraxsan go’aanka Maxkamadda uu yiri.

“Waxaan u hambalyeynayaa Garsoorayaasha i difaacayay,waxaana sidoo kale u mahad celinayaa dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabeen,waxaan qirayaa in eedihii la igu soo oogay ay ahaayeen kuwo aan caddeyn heysan.” Ayuu yiri Aadan Barre Ducaale

Aadan waxa uu u mahad celiyay  hoggaamiyaha Kooxda qareennada ee difaaceysay C/naasir Cabdullahi iyo saaxiibada kale ee ka caawiyay in uu kursigiisa u xalaaloobay.

Doorashadii dhacday 8 August 2017-kii ayuu ku guuleystay Aadan Barre oo hadda ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya,waxaana kursigan kula tartamayay Faarax Macallin oo horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.

Hoos ka Daawo Sawirrada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.