Shabaab oo sheegtay in ay dileen Sarkaal Ciidan

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Puntland.

Rag ku hubeysan Bastoolado oo ka tirsan Shabaab ayaa Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Bashiir Baaf.

Waxay sheegeen Shabaab ninkan ay dileen inuu ka mid ahaa mas’uuliyiinta dhanka amniga iyo abaabulka u qaabilsan maamulka Puntland.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen inay baxsadeen raggii dilka geystay, maadaama ay gaareen dantii ay lahaayeen.

Warar madax banaan ayaa sheegaya ninka lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo inuu ahaa nin Injineer ah, kaasi oo caan ka ahaa degmada.

Ilaa hadda saraakiisha ammaanka Maamulka Puntland weli si faah faahsan kagama aanay hadlin warkan Shabaab ay sheegteen.

Ciidamada ammaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayaa halkaasi waxa ay ka sameeyeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo, laguna raadinayo dableydii Shabaab ka tirsaneyd ee dilka gaysatay.

17-kii January 2018 ayay aheyd markii Kooxo hubeysan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Xaafadda Saalama ku weerareen Sarkaal ka tirsan ciidamada Canshuuraha Puntland ee Gaalkacyo, waxayna u geysteen dhaawac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.